Somaliska Continuum
Warbixin muhim ah oo loogu talagalay dadka xannaanadda guryaha ka helaan shirkadda Continuum
Shirkadda Continuum waxay laga bilaabo 3 luulyo 2025 joojin doontaa adeegyada daryeelka ee guryaha
Taasoo macneheedu ay tahay in shirkad cusub, aad ka heli doonto adeegyada loo yaqaanno hemtjänst. Dhacdooyinka si dhaqsi badan ayay u dhaceen, waxaana suurtagal ah in maamulka Dowladda hoose Västerås u khadka kala soo xiriray ama aad warbaahinta bulshada aad dhacdadaan ka maqashay.
Maxay tahay sababta shirkadda Continuum ay adeegyada u joojinayso?
Shirkadaha adeegyada noocaan ku dhaqaaqaan waa in ruqsad ay ka haystaan hay`adda IVO, Inspektionen för vård och omsorg [Hay`adda kormeerta arrimaha daryeel-caafimaadkeedka iyo xannaanadda]. Haseyeeshe shirkadda Continuum waa laga ciribtiray ruqsadda noocaas ah, mana loo oggola in adeegyada noocaan ay maarayso.
Maxaan arrinta ka qaban karaa?
U ma baahnid inaad wax tallaabo ah ka qaado. Dhowr maalmood gudahooda waxaa khadka taleefanka kula soo xiriiri doono Maamulka Dowladda hoose Västerås, kadib ka caawini doono xulashada shirkadda cusub ee aad ka heli doonto adeegyada guryaha. Haddiise aadan taleefanka naga qaban, waxaa toos caawinaad ugu heli doontaa maamulka daryeel ku siinta guryaha ee Dowladda hoose Västerås stads hemvård. Taasoo u sabab ah wakhtiga gaaban ee ka haray muddada adeegyada shirkadda Continuum.
Beddelaadda kahor maxaa dhici doono?
Ilaa markii taariikhda ay ku beegan tahay 3 luulyo 2025, saacadduna ku beegan tahay 07:00, waxaad caawinaad ka heli doontaa shirkadda Continuum. Taariikhdaas iyo saacaddaas kadib shirkad cusub ayaa adeegyada fulin doonto.
Warbixin ku saabsan shirkadaha kale ee bixiya adeegyada hemtjänst
Waxbixin dheeraad waxaad kala xiriiri kartaa khadka taleefanka ee maamulka Dowladda hoose Västerås stads kontaktcenter:
021-39 27 25
Ama warbixin dheeraad ka akhriso barta internetka:
www.vasteras.se
Ma u baahan tahay warbixin ku qoran luqado kale?
Barta internetka ee maamulka Dowladda hoose Västerås, waxaad ka akhrisan kartaa warbixin ku qoran dhowr luqadood:
www.vasteras.se
Iga guddoon salaan wacan
Christine Wäneskog, agaasimaha Maamulka arrimaha daryeelka iyo xannaanadda