Somaliska
Maamulka Dowladda hoose Västerås wuxuu go`aan ku gaaray in u ciribtiro heshiisyadii u berri hore la gaaray shirkadaha adeegyada daryeelka guryaha
Guddiga xannaanadda waayeellada [Äldrenämnden], wuxuu go`aan ku gaaray in u ciribtiro heshiisyadii adeegyada guryaha [hemtjänst] iyo daryeel-caafimaadeedka guryaha [hemsjukvård] u berri hore la gaaray shirkadda Attendo Sverige AB. Sababta waxay tahay cillado aad u culus iyo jebinta heshiisyada. Dadka adeegyada isticmaalo oo arrintaan khuseeyso, waxay maamulka Dowladda hoose ka heli doonaan taageero ay ku doortaan shirkad kale oo adeegyada u qabtaan.
Arrintaan sidatan ayay saamayn ugu yeelan doonaan dadka adeegyada adeegsado
Ciribtirida heshiiska wuxuu xiriir la leeyahay dhammaan adeegyada guryaha iyo daryeel-caafimaadeedka guryaha oo shirkadda hadda magaalada ka maarayso, waxayna khuseeyaan dad tiradooda qiyaastii 900 qof. Dadka shirkadda Attendo hadda u adeegto, waa in ay doortaan shirkad kale oo cusub. Doorashada shirkadda adeegyada ee cusub awgeed, waxay dadka arrinta ay khuseeyso caawinaad iyo taageero ka heli doonaan Maamulka Dowladda hoose.
Dhammaan dhaqdhaqaaqyada adeegyada guryaha iyo daryeel-caafimaadeedka guryaha, ee hadda fuliso shirkadda Attendo waxaa la ciribtiri doonaa ugu dambayn 5 maajo. Shirkadaha adeegyada ee cusub waxay hawlahooda qabsan doonaan hadba markii, dadka arrinta ay khuseeyso ay doortaan shirkadaha cusub.
Maamulka Dowladda hoose Västerås wuxuu mar kasta rabaa in u la wada shaqeeyo dad karti-xirfadeed leh. Haddii adiga aad xiisanayso inaad maamulka u shaqayso, ku soo dhowoow codso boosaska shaqooyinka ee aan ku shaacino baraha Dowladda hoose.
Is-beddelka sidatan ayaa loogu dhaqaaqa
Dhammaan dadka arrinta ay khuseeyso, waxaa loo soo diri doonaa warqad ku qoran qaabka loo doorto shirkadda adeegyada ee cusub. Waxay kala dooran karaan shirkadaha daryeel-caafimaadeedka guryaha ee gaar ahaanta loo leeyahay iyo kuwa Dowladda hoose ay maarayso. Qofkii aan laf-ahaantiisa xulan shirkad cusub, maamulka Dowladda hoose Västerås ayaa u dooran doono shirkadda adeeyada ee cusub.
Warbixin dheeraad kala xiriir:
- Kontaktcenter taleefan: 021-39 27 25.
- Booqo barta internetka ee Dowladda hoose, kadib ka aqriso liis ku qoran shirkadaha adeegyada ee u maamulka aqoonsan yahay: Hjälp och stöd i hemmet
Adeegyada guryaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda [vård- och omsorgsboenden] ee hadda shirkadda Attendo maamusho saamayn kuma yeelan doono go`aankaan.
Tixraacid ayaa lagu sugi doonaa tayada adeegyada
Maamulka Dowladda hoose Västerås wuxuu hab joogto ah, ugu dhaqaaqi doonaa tixraacid u ku sugayo tayada adeegyada ee lagu wada heshiiyay. Waxaa kale oo intaas dheer in tayada la hubiyo, waxay kaloo ku saabsan tahay hubinta in degmada aysan ka dhicin dembiyada xiriirka la leh barwaaqosoonka.
Su`aallo?
La xiriir Västerås stads kontaktcenter, taleefan 021-39 27 25.